Borussia Dortmund ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixeedii ugu horreeyay ee xagaaga, iyagoo la wareegay laacibka da’da yar ee Jobe Bellingham oo ka yimid kooxda AFC Sunderland – kooxda dhawaan u dallacday Premier League. Jobe, oo ah walaalka ka yar Jude Bellingham, xiddiga Real Madrid, ayaa qalinka ku duugay qandaraas cusub oo soconaya ilaa sanadka 2030.
Agaasimaha maamulka ee Borussia Dortmund, Lars Ricken, ayaa sheegay in Jobe yahay ciyaaryahan leh tayo gaar ah iyo faham ciyaareed sare, inkastoo uu weli da’yar yahay. “Wuxuu si buuxda ugu habboon yahay falsafadayada ah horumarinta ciyaartoyda da’da yar iyo siin fursad ay ku gaaraan heerka ugu sarreeya,” ayuu yiri Ricken.
“Meeshan maskaxdayda ayay ku jirtay” – Jobe oo ka hadlay dareenkiisa
Jobe Bellingham, oo muuqaal uu la wadaagay taageerayaasha lagu baahiyay baraha bulshada, wuxuu yiri:
“Waxaan horay u joogay halkan, daawanayay ciyaaraha, dareemay heesaha taageerayaasha iyo awoodda midabada. Meeshan ayaa maskaxdayda ku dhegtay. Ma daawanayo, anigaa hadda jooga.”
Qiimaha heshiiska iyo tartankii loogu jiray
Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha iyo kuwa Jarmalka, heshiiska Jobe Bellingham wuxuu ku kacayaa illaa 30 milyan oo Yuuro, iyadoo lagu daray gunnooyin gaaraya shan milyan oo Yuuro, iyo sidoo kale heshiis ah in Sunderland ay helayso 15% faa’iido kasta oo ka timaadda iib dambe.
Xiddigan khadka dhexe ayaa hore ugu soo muuqday 111 kulan oo horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ah, isagoo dhaliyay 11 gool, taasoo si gaar ah u soo jiidatay indhaha kooxo badan oo ay ku jiraan Eintracht Frankfurt, RB Leipzig, iyo dhowr kooxood oo Premier League ka tirsan.
Ka qeybgalka Koobka Kooxaha Adduunka halkii uu ka ciyaari lahaa Euro U21
Inkasta oo Jobe uu ku jiray liiska xulka qaranka England ee da’yarta U21 ee ka qeyb galaya tartanka Yurub ee ka dhacaya Slovakia, haddana wuxuu si rasmi ah uga maqnaan doonaa, isagoo doorbiday inuu si degdeg ah ula biiray Borussia Dortmund si uu uga qeyb qaato Koobka Kooxaha Adduunka (Club World Cup) ee ka dhacaya Mareykanka Jimcaha.
Walaalkiis Jude Bellingham iyo dhaxalka Dortmund
Walaalkii Jude, oo labo sano ka weyn, ayaa Dortmund kaga soo biiray Birmingham City sanadkii 2020 isagoo 17 jir ah. Halkaas ayuu kaga dhigay magaca Bellingham mid caan ah, isagoo ugu dambeyn ku biiray Real Madrid xagaagii 2023, heshiis ku kacay 103 milyan oo Yuuro.
🟡⚫ Borussia Dortmund waxay markale ku noqotay xarunta horumarinta xiddigaha mustaqbalka, iyadoo Jobe Bellingham uu rajeynayo inuu raaco wadadii guusha ee walaalkiis.
La soco wararkayaga si aad uga war hayso dhammaan dhaq-dhaqaaqyada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagan!
W\Q Imaan Huseen Dinnle















Leave a Reply