Muqdisho (SomaDaily) – Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka tartanka CECAFA U17 AFCON Qualifiers 2026, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen dhiggooda Rwanda ciyaar xiiso badan oo ka dhacday wareegga afar-dhammaadka tartanka.
Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo xulka Soomaaliya uu ugu dambeyn guul ku gaaray 5-4 rigoorayaal ah, taas oo u xaqiijisay inay u gudbaan kulanka kama dambaysta ah ee tartanka.
Xiddigaha da’da yar ee loo yaqaan Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar ay ka muuqatay xirfad, isku xirnaan iyo adkaysi, iyagoo muujiyay dadaal iyo kalsooni ilaa dhammaadka kulanka, taas oo u sahashay inay ka gudbaan caqabaddii Rwanda.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciyaartoyda xulka qaranka, iyagoo ku ammaanay geesinimada iyo sida ay u difaaceen sharafta iyo sumcadda calanka Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa haatan hal tallaabo u jirta hanashada koobka, iyadoo rajaynaysa inay mar kale taariikh ka dhigto tartankan, kaddib markii ay markii ugu dambeysay ku guuleysatay sanadkii 2022.
Finalka iyo rajada koobka
Xulka Soomaaliya ayaa kulanka kama dambaysta ah ee tartanka la ciyaari doona dhiggooda Uganda, maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 19-ka Oktoobar 2026.
Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Rwanda ayaa sare u qaadday rajada taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed, kuwaas oo indhaha ku haya in wiilasha Ocean Stars ay mar kale dalka u soo hooyaan koobka CECAFA U17.
Soomaaliya ayaa hadda u baahan hal guul oo keliya si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka, una sii xoojiso horumarka kubadda cagta da’yarta dalka.
SomaDaily – Wararka Soomaaliya iyo Caalamka.













Leave a Reply