Dalalka Cumaan iyo Iiraan ayaa sare u qaaday dadaalladooda diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha ka taagan Marinka Hormuz, iyadoo labada dal ay ka wada hadlayaan sidii dib loogu soo celin lahaa isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah ee marin-biyoodkaas muhiimka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Al-Busaidi, iyo dhiggiisa Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Khamiistii wada hadal dhinaca taleefanka ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray dadaallada lagu gaarayo is-afgarad siyaasadeed iyo mid farsamo oo horseedi kara dib u furista Marinka Hormuz.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in labada wasiir ay dib u eegeen horumarradii ugu dambeeyay ee xiriirka iyo wadahadallada socda, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay dejinta xaaladda gobolka.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay in heshiis kasta oo la gaaro uu ku salaysnaado ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo tixgelinta danaha sharciga ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Waxay sidoo kale muujiyeen muhiimadda ay leedahay in laga gudbo dadaallada kaliya ee lagu yareynayo xiisadda, loona gudbo heshiis waara oo lagu xaqiijinayo badbaadada maraakiibta, iyadoo la sameynayo hannaan farsamo oo wadajir ah oo suurtagelinaya socodka ganacsiga iyo tamarta.
Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xaaladda amni ee Marinka Hormuz ay sii cakirmayso. Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Khamiistii sheegtay inay ceyrisay laba markab oo shidaal qaada iyo doon jiidis ah, iyagoo ku eedeeyay inay isku dayeen inay maraan waddooyin aan la oggolayn.
Sida lagu sheegay bayaanka Ilaalada Kacaanka, mid ka mid ah maraakiibta ayaa la sheegay inuu la kulmay miino badeed xilli uu isku dayayay inuu maro waddo ku taalla koonfurta marin-biyoodka, halka markab kale oo shidaal qaada uu dab qabsaday kadib markii uu ka leexday waddada bari ee marin-biyoodka.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dabku uu gaaray doon jiidis ah oo u dhawaatay markabka labaad si ay uga qeyb qaadato daminta dabka.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sidoo kale digniin u dirtay Mareykanka, iyagoo sheegay in isku day kasta oo lagu jebinayo xeerarka ay Iiraan ku sheegtay inay ka jiraan Marinka Hormuz uu kordhin karo khasaaraha dhaqaale iyo caqabadaha siyaasadeed ee Washington.
Marinka Hormuz ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah oo aad u weyn, maadaama uu yahay marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ay maraan shixnadaha saliidda iyo gaaska ee dalalka Khaliijka u dhoofiyaan suuqyada caalamka.
Xiisad kasta oo ka dhacda marin-biyoodkan waxay saameyn ku yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah, qiimaha tamarta iyo amniga maraakiibta ee gobolka iyo guud ahaan dunida.
SomaDaily











Leave a Reply