Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Doorashada Golaha Ajaaniibta München: Bulshada Soomaaliyeed oo loo jeediyay baaq ku saabsan codbixint

Cabdiwali Cali Ciid oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada München ayaa ka mid ah musharraxiinta u tartamaya Golaha Ajaaniibta ee magaalada München.

Doorashada Golaha Ajaaniibta ayaa la qaban doonaa bisha November 2026, waxaana musharraxiintu doonayaan inay helaan taageerada bulshada ajaaniibta ah ee magaalada.

Cabdiwali Cali Ciid ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee xaqa u leh inay codeeyaan inay ka qaybqaataan doorashada, isla markaana ay codkooda siiyaan musharraxa ay u arkaan inuu si wanaagsan u matali karo danahooda.

Doorashadan ayaa muhiim u ah bulshada ajaaniibta ah ee München, maadaama Golaha Ajaaniibtu uu door ku leeyahay matalaadda danaha dadka asal ahaan ka soo jeeda dalal kala duwan iyo talo-bixinta arrimaha khuseeya bulshada magaalada.

Somadaily waxay bulshada Soomaaliyeed ee München ku boorrinaysaa inay la socdaan doorashada, musharraxiinta iyo qorshayaashooda, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadda codbixinta.

Somadaily

Leave a Reply