Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsiga

Baġdaad, 19 Oktoobar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Fu’aad Xuseen, intii uu socday kulanka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo beeraha.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay danaynteeda ku aaddan bilaabidda dhoofinta xoolaha nool ee dalka loo iibgeeyo Ciraaq, taas oo la filayo inay gacan ka geysato kobcinta ganacsiga iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ciraaq soo dhoweynta diirran iyo martigelinta guuleysatay ee shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC, iyadoo mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Leave a Reply