Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Jarmalka oo lagu ganaaxay 110,000 Euro kadib fadeexaddii Koobkii Adduunka 2006

DFB oo Lagu Xukumay Inay Bixiso 110,000 Yuuro Canshuur Lunsi ah Oo La Xiriirta Koobkii Adduunka 2006

Frankfurt, Jarmalka – Maxkamad ku taalla magaalada Frankfurt ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay dacwad la xiriirta lunsasho canshuureed oo ka dhan ahayd Xiriirka Kubadda Cagta Jarmalka (DFB), taasoo la xariirta qabanqaabadii Koobkii Adduunka ee 2006, looguna yeeray “Summer Fairytale”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ah in DFB ay bixiso 110,000 Yuuro, kadib markii lagu helay canshuur celin been abuur ah oo ay ku lunsadeen canshuuro dowladeed. Kiiskan ayaa salka ku haya lacagihii la isticmaalay xilligii loo tartamayay martigelinta Koobka Adduunka, kuwaas oo si qaldan loogu muujiyay diiwaanka canshuurta.

Dacwadda waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyay masuuliyiin hore oo ka tirsanaa DFB, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore Theo Zwanziger iyo Wolfgang Niersbach, iyo xoghayihii hore Horst Schmidt. Inkastoo dacwadaha gaar ahaaneed ee mas’uuliyiintaasi ay si tartiib tartiib ah u baaqdeen bilihii lasoo dhaafay, haddana dhammaan waxaa lagu soo rogay ganaaxyo kala duwan.

Maxkamadda ayaa caddaysay in ururka DFB uu si toos ah mas’uul uga yahay khaladaadka xagga canshuur celinta, waxayna sheegtay in kiisku yahay mid si buuxda loo caddeeyay.

Go’aankan ayaa si weyn u gilgilay sumcaddii xiriirka kubadda cagta Jarmalka, iyadoo lagu xasuusanayo tartankii 2006 mid kamid ah dhacdooyinkii ugu weynaa ee kubadda cagta Jarmalka – balse hadda hadalheyn kale u keenay sababo la xiriira musuq iyo maarayn xumo dhaqaale.

Leave a Reply