anka (Pentagon), oo la soo saaray bishii Janaayo, ayaa Kuuriyada Waqooyi ku tilmaantay dal weli khatar muuqata ku ah Mareykanka, gaar ahaan suurtagalnimada weerar nukliyeer ah oo lagu qaado gudaha dalka. Hase yeeshee, dukumentigaasi si gaar ah ugama hadlin dadaallada lagu baabi’inayo hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Wargeyska ayaa intaas ku daray in intii uu socday safarkii Trump ee Aasiya toddobaadkan, ay adkaatay in la qabto kulan uu la yeesho Kim Jong Un, inkastoo ay jireen dadaallo cusub oo arrintaasi lagu doonayay.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada, maamulka Trump ayaa sidoo kale sahmiyay suurtagalnimada in daqiiqadihii ugu dambeeyay la furo wadahadallo toos ah oo labada dhinac dhex mara. Hase yeeshee, Kim Jong Un ayaa dejiyay shuruudo uusan Mareykanku aqbali karin, taasoo meesha ka saartay rajadii laga qabay kulan degdeg ah.
SOMADAILY | WARARKA CAALAMKA











Leave a Reply