Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

🇩🇪 JARMALKA OO DHIMAYA CANSHUURTA KORONTADA: QOYSASKA OO SANADKII BADBAADIN KARA €93

Dowladda Jarmalka ayaa qorsheyneysa inay canshuurta korontada dhinto laga bilaabo 1-da Janaayo 2027, si loo yareeyo kharashaadka qoysaska iyo ganacsiyada dalka.

Canshuurta korontada ayaa la qorsheeyay in laga dhimo 2.05 cent halkii kWh, lagana dhigo 0.1 cent.

Qoysaska isticmaala korontada ayaa laga yaabaa inay sanadkii badbaadiyaan lacag gaareysa €93, iyadoo qadarka dhabta ahi ku xiran yahay isticmaalka korontada.

Dhimistan waxaa sidoo kale ka faa’iidaysan kara dadka shaqeeya, hawlgabka ah iyo dadka qaata taageerada bulshada, haddii ay iyagu bixiyaan biilasha korontada.

Isbeddelkan ayaa la qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2027, wuxuuna soconayaa ilaa 31-ka December 2027.

SOMA DAILY | Wararka Jarmalka iyo Caalamka.

Leave a Reply