Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

MAANTA AYAA UGU DAMBAYSA DOORASHADA GOLAHA MIGRATION-KA

Maanta oo Axad ah ayaa magaalada Munich ee dalka Jarmalka lagu soo gabagabeynayaa doorashada Golaha La-talinta Arrimaha Soo-galootiga (Migrationsbeirat), oo matala danaha dadka asal ahaan ka soo jeeda dalalka kale ee ku nool magaalada.

Sida uu shaaciyey maamulka magaalada Munich, doorashadan waxaa xaq u leh 413,973 qof, kuwaas oo dooranaya 40 xubnood oo ka mid noqon doona golaha. Doorashada waxaa ku tartamaya 28 liis.

Goobaha codbixinta ayaa maanta furan laga bilaabo 08:00 subaxnimo ilaa 18:00 fiidnimo.

Golaha Migrationsbeirat wuxuu door muhiim ah ka qaataa matalaadda bulshada soo-galootiga, difaaca xuquuqdooda, la dagaallanka takoorka, horumarinta isdhexgalka bulshada iyo gudbinta talooyinka la xiriira arrimaha ajaanibta ee maamulka magaalada.

Doorashadan ayaa fursad muhiim ah u ah bulshada ajaanibta ah si ay codkooda ugu muujiyaan cidda matali doonta danahooda siyaasadeed iyo bulsho.

Maamulka magaalada ayaa sidoo kale xaqiijiyey in natiijada hordhaca ah la shaacin doono ugu dambayn 1-da December 2026, halka natiijada kama dambaysta ah la filayo 10-ka December 2026.

Maanta waa maalintii ugu dambaysay ee codbixinta. Dadka xaqa u leh doorashada waxaa lagu boorrinayaa inay ka faa’iidaystaan fursaddan oo ay codkooda dhiibtaan.

Xigasho: Landeshauptstadt München


Leave a Reply