Dowladda Jarmalka ayaa baaritaanno culus ku wada dad caan ah oo ka shaqeeya baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah uga baxsadeen bixinta canshuuraha.
Hay’adda cusub ee la dagaallanta dambiyada dhaqaale ee gobolka North Rhine-Westphalia (NRW) ayaa sheegtay in lagu tuhunsan yahay in qiyaastii 300 milyan oo Euro laga leexiyay waaxda canshuuraha gobolkaas kaliya.
Hay’addu waxay baaraysaa 6,000 oo xog ah oo laga helay baraha bulshada sida Instagram, YouTube iyo TikTok. Xogtan ayaa muujinaysa in dad badan ay kasbadeen lacago badan oo aysan daah-furin canshuur ahaan.
“Baaritaankayagu ma quseeyo dhalinyarada xayeysiinaya kareem ama dhar, ee waxaan diiradda saarnay kuwa si xirfad leh uga macaasha baraha bulshada, kuwaas oo si ula kac ah uga baxsaday bixinta canshuuraha,” ayay tiri Stephanie Thien, oo ah madaxa hay’adda.
Hay’addan gaar ah ayaa la aasaasay bishii Janaayo 2025, waxaana hoos taga dhammaan laamaha baarista canshuuraha ee gobolka NRW. Waxay leedahay 1,200 oo khubaro ah, waxaana si gaar ah loogu sameeyay koox u gaar ah baaritaanka dadka baraha bulshada ka shaqeeya.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dpa, baaritaannadu waxay hadda ku fidayaan gobollo kale oo dalka ka tirsan – taasoo muujinaysa in arrintani tahay mid heer qaran gaartay.
Somadaily ayaa si joogto ah idiinla socodsiin doonta wixii xog dheeraad ah ee kasoo baxa arrintan.











Leave a Reply