Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jarmalka oo Ka Digtay Khilaaf ka Dhalan Kara Doorashada Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah

Berlin – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Jarmalka, Julia Klöckner, ayaa uga digtay xisbiyada siyaasadda in ay fashilaan geeddi-socodka doorashada saddex garsoore oo cusub oo lagu beddelayo xubno ka mid ah Maxkamadda Dastuuriga ee Federaalka Jarmalka. Klöckner ayaa carrabka ku adkaysay in doorashadu ay u baahan tahay in si habsami leh loo dhammeeyo, iyadoo laga fogaado in xuquuqda Baarlamaanka loo wareejiyo Bundesrat-ka (Golaha Wakiilada Gobolada).

“Parlamentku waa inuu gartaa miisaankiisa. Marka la iska siiyo mas’uuliyadihiisa asalka ah, taasi ma aha xoojinta Baarlamaanka,” ayey tiri Klöckner, oo ka tirsan xisbiga CDU, mar ay la hadleysay podcast-ka Playbook ee ay leedahay warbaahinta Politico.

Doorasho Aadan Ka Maarmi Karin – Saddex Xubin oo Laga Beddelayo Maxkamadda Dastuuriga ah

Maxkamadda Dastuuriga ee ugu sarreysa Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 garsoore, waxaana hadda la qorsheynayaa in 3 ka mid ah boosaskaas la buuxiyo. Sida dastuurka dhigayo, doorashada garsoorayaashan cusub waxay u baahan tahay aqlabiyad labo-meelood saddex (2/3) ah oo ka mid ah codadka la dhiibtay, taasoo ka dhigan in xisbiyada SPD iyo CDU/CSU aysan kaligood ku filneyn — waxayna u baahan yihiin codad dheeraad ah oo ka yimaada xisbiyada kale.

Xisbiyada Maxaa ay soo Jeediyeen?

  • CDU/CSU waxay u soo xulatay booska Günter Spinner, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Shaqada (Bundesarbeitsgericht).
  • SPD waxay soo magacaawday labo haween ah oo ah khubaro sharciga ah: Frauke Brosius-Gersdorf iyo Ann-Katrin Kaufhold.

Doorashadu waa mid qarsoodi ah: Xildhibaan kasta wuxuu geli doonaa qol gaar ah, wuxuuna codkiisa ku ridi doonaa sanduuq gaar ah.

Kalsooni La’aan iyo Mucaaradnimo ka Dhex Jirta Xisbiyada

Dhibaatooyinka ugu waa weyn ayaa yimid marka la eego magacaabista Brosius-Gersdorf. Qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga CDU/CSU ayaa ka soo horjeestay, iyagoo ku eedeeyay in:

  • Ay ahayd qof si buuxda u taageeray waajibka tallaalka xilligii faafitaanka cudurka COVID-19,
  • Ay ka leedahay aragtiyo aad u furfuran oo xor ah arrimaha iska soo ridista uurka, taas oo ka hor imaanaysa mabda’a xisbiga.

Waxaa sidoo kale laga walaacsan yahay in CDU/CSU ay u baahan karto codad ka yimaada AfD, maadaama aysan weli diyaar u ahayn wadahadal la gala xisbiga Bidixda (Die Linke), taas oo keeni karta muran siyaasadeed oo hor leh.

Maxaa Dhici Kara Haddii Baarlamaanku Fashilo?

Haddii Baarlamaanka Federaalka usan gaarin go’aan rasmi ah maalinta Jimcaha ee doorashada la qabanayo, awoodda doorashada waxay si toos ah ugu wareegi doontaa Bundesrat-ka (wakiillada gobollada), taasoo ah arrin Klöckner ay si cad uga digtay.

“Waa lagama maarmaan in Baarlamaanku gaaro go’aanka – haddii kale waxay noqon doontaa in la lumiyao masuuliyad dastuuri ah oo muhiim ah,” ayey tiri.

Warbixintan waxaa diyaariyay: Somadaily

Leave a Reply