Xiriirka u dhexeeya Jarmalka iyo Shiinaha ayaa wajahay halis cusub kadib markii markab dagaal oo Shiinaha leeyahay uu adeegsaday iftiin laysar ah oo la beegsaday diyaarad Jarmal leedahay, taasoo ka qaybqaadanaysay howlgal amni oo Midowga Yurub ka wado Badda Cas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Johann Wadephul, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdada oo uu ku tilmaamay mid khatar galinaysa cutubyada ciidan ee Jarmalka. “Aad ayaan uga xanaaqay, dhacdadan noocan ah waa wax aan la aqbali karin,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Redaktionsnetzwerk Deutschland (RND).
Weerar Lagu Eegtay Diyaarad Difaaceed oo Ka Qeybgaleysay Hawlgalka “Aspides”
Diyaaradda Jarmalka ayaa dul heehaabaysay hawada Badda Cas iyada oo qeyb ka ahayd hawlgalka Midowga Yurub ee “Aspides,” oo loogu talagalay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee laga weerarayo xeebaha Yemen, halkaas oo kooxda Xuutiyiintu ku xoogan yihiin.
Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in aysan jirin wax xiriir milatari ah oo dhexmaray labada ciidan ee Shiinaha iyo Jarmalka kahor inta aan la adeegsatin laysarka. Tani waxay dhacday 2-da July, sida laga soo xigtay ilo sirdoon oo Jarmal ah.
Jarmalka oo Wacay Safiirka Shiinaha – Beijing Waa Inay Caddeyso
Dowladda Jarmalka ayaa si degdeg ah ugu yeertay safiirka Shiinaha si ay uga caddeystaan sababta weerarkan laysarka loo adeegsaday. Wadephul wuxuu sheegay in “Shiinaha ay tahay inay si cad u sharraxdo waxa dhacay, haddii kale wuxuu dhaawacayaa xiriirka labada dal.”
Wuxuu intaa ku daray in Jarmalku uusan aqbaleyn dhaqan kasta oo khatar ku ah ciidamada Jarmalka iyo nidaamka caalamiga ah ee lagu xisaabtamo. “Annaga oo wata Midowga Yurub, diyaar ayaan u nahay inaan difaacno xeerarka iyo xuduudaha sharci ee aan ku tiirsannahay,” ayuu yiri Wadephul.
Weerar Layser ah oo Loo Aragayo Hanjabaad Milatari
Sida uu dhigayo qaanuunka militariga caalamiga ah, adeegsiga laser-ka lagu beegsado diyaarad, xitaa haddii uusan waxyeello muuqata geysan, wuxuu u dhigmaa hanjabaad milatari. Tani waxay si toos ah u dhaawacaysaa kalsoonida amni ee u dhexeysa labada quwadood ee dhaqaale.
Qore: Somadaily – Berlin











Leave a Reply