Berlin / Muqdisho – Somadaily.com
Cilmi-baaris ay si wadajir ah u sameeyeen barnaamijka Kontraste ee warbaahinta ARD iyo Deutsche Welle ayaa muujisay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jarmalka ay qaarkood door muhiim ah ku leeyihiin hurinta colaadaha sokeeye ee wali ka taagan gudaha Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay isticmaalaan baraha bulshada si ay u faafiyaan nacayb, u abaabulaan taageero dhaqaale, islamarkaana ay toos ugu yeeraan dhalinyarada inay ku biiraan dagaalada hubeysan.
Mid ka mid ah dadka sida aadka ah u saameeyay baraha bulshada waa Ayuub A., oo lagu sheegay in uu leeyahay in ka badan nus milyan oo raacsan TikTok. Mid ka mid ah muuqaaladiisa – oo la baahiyay bishii December 2022 – ayuu si cad ugu baaqayaa weerar toos ah oo lagu qaado dadkii ay isku dalka ahaayeen:
“Qoriyadiina qaata oo dagaalama. Qof walba oo dareeska xidhan tooga. Qof kasta oo ku soo dayn waaya gurigiisa, si toos ah wejiga uga dalooli,” ayuu yiri Ayuub A. isagoo muuqaalka ku jira.

Warbixintu waxay sheegtay in Ayuub A. uu sannadkii 2017 magangalyo ka codsaday Jarmalka, balse codsigiisa la diiday sannadkii 2020. Si kastaba, maadaama xaaladda Soomaaliya aanay u oggolayn in la masaafuriyo, waxaa la siiyay hakad ku meel gaar ah. Intaa wixii ka dambeeyay, wuxuu safarro kala duwan ku tagay Soomaaliya, halkaas oo muuqaal lagu duubay sannadkii 2023 lagu arkayo isaga oo la jooga koox maleeshiyaad ah, isla markaana ridaya hub culus.
Saameyn Hore oo Dambiyeed
Baaritaanku wuxuu kaloo muujiyay in Ayuub A. lagu eedeeyay inuu kaalin ka qaatay burcad badeedda Geeska Afrika horraantii 2010-kii. Qof kamid ah shaqaalihii markabka MV Iceberg 1 – markab la haystay muddo ku dhow saddex sano – ayaa si cad u aqoonsaday Ayuub A. in uu ka mid ahaa kooxdii afduubka geysatay. Ilo ka ag dhow dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay doorkiisii burcad-badeednimo.
Nacayb iyo Dagaal Ugu Baaqaya Baraha Bulshada
Ayuub A. ma aha kaliya qofka lagu eedeeyay hurinta colaadda. Waxaa sidoo kale cilmi-baaristu xustay Yacquub Siyaad, oo Facebook ka haysta in ka badan 500,000 oo raacsan. Sida lagu sheegay, wuxuu si joogto ah ugu baaqaa dilka dadka LGBTQ+, wuxuuna hadallo kiciyay dagaal sokeeye oo salka ku haya qabyaalad:
“Dila xayawaankan… ka saar bulshada… doofaarka anigaa iska leh, godka ayaan ka saari doonaa, meydkiisana waan ku cayaari doonaa,” ayuu si cad ugu dhawaaqay muuqaal kale.
Yacquub Siyaad ayaa sidoo kale safarro ku tagay Soomaaliya, isagoo muuqaal laga duubay sannadkii 2023 la arkayo isaga oo la socda maleeshiyaad ka tirsan Puntland. Warbaahinta Jarmalka waxay sheegeen in xukun 10 sano ah oo xabsi ah lagu riday isaga oo dalka ka maqnaa, kaddib markii lagu helay dacaayad Islaamiyiin xagjir ah.
Digniinta Khuburada Amniga
Moustafa Axmed, oo ah khabiir dhanka amniga ah, ayaa sheegay in xaaladdan ay muujinayso halista dagaalka cusub ee dijitaalka ah ee uu wajaho Soomaaliya. “Waxaan la tacaalaynaa colaad dijitaal ah, oo ay hurinayaan baraha bulshada. Dhalinyarada la marin habaabiyay waxay barahaas u adeegsadaan dacaayad iyo hurinta rabshado,” ayuu yiri.
Xaalad Xasaasi ah oo Baaritaan Lagu Wado
Booliska gobolka Nordrhein-Westfalen (Düsseldorf) iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Hamburg ayaa la sheegay inay hadda wadaan baaritaanno la xiriira eedeymaha loo haysto Ayuub A. iyo Yacquub Siyaad. Sidoo kale, xaaladooda sharciyeed ee dalka Jarmalka ayaa dib loo eegayaa, iyadoo la tixgelinayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo khatarta ay ku hayaan nabadgelyada gudaha iyo tan dibadda.
Warbixinta Kontraste iyo Deutsche Welle waxay si qoto dheer u muujinaysaa xiriirka xasaasiga ah ee ka dhexeeya qaxootinimada, baraha bulshada, iyo xagjirnimada ka sii hurineysa colaadda Soomaaliya. Waxaa muuqata in Jarmalka uu noqday gabaad iyo saldhig cusub oo ay ka soo ifbaxayaan waxgarad been abuur ah, kuwaasoo si toos ah uga qeyb qaadanaya halganka hubaysan, iyadoo hoos loogu dhigayo qiimaha nabadda, iyo kalsoonida la siiyo nidaamka magangalyo doonk











Leave a Reply