Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Netanyahu oo Uga Mahadceliyay Trump Weerarkii Mareykanka ee Goobaha Nukliyeerka Iran: “Xoogga ayaa Nabadda Horeeeya”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump weerarkii xooganaa ee lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran. Netanyahu ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso awoodda Mareykanka, isla markaana ay horseedi karto nabad waarta.

“Marka hore waa in xoogga la adeegsadaa, kadib nabad baa iman karta,” ayuu yiri Netanyahu mar uu la hadlayay warbaahinta subaxnimadii hore ee maanta, isagoo si weyn u bogaadiyay go’aanka geesinimada leh ee Trump uu qaaday.

Sida ay baahiyeen ilo warbaahineed oo Israa’iili ah, Netanyahu iyo Trump ayaa saacado ka hor weerarka Mareykanka ay ku qaadeen xarumaha nukliyeerka Iran taleefan ku wada hadlay. Telefishinka Channel 14 ayaa soo xigtay sarkaal sare oo sheegay in Trump uu Netanyahu la hadlay xilligii weerarrada la fulinayay, isla markaana uu ka codsaday Israa’iil inay qayb ka noqoto hawlgallada.

Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa ilo dhinaca ammaanka ah ayaa tilmaantay in duqeymaha Mareykanka ay horseedeen xaalad feejignaan sare leh oo ka jirta gobolka. Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa la sheegay inay gelayeen heegan buuxa meelo kala duwan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa subaxnimadii hore ee Axadda shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay guulo waaweyn ka gaareen duqeynta xarumaha nukliyeerka ee Iran. Trump ayaa sheegay in saddex xarumood oo muhiim ah oo ku yaalla Fordow, Natanz, iyo Isfahan la burburiyay.

“Waxaan bambooyin buuxa ku tuurnay xarunta ugu weyn ee nukliyeerka Fordow, waxaana xaqiijin karnaa in xaruntaasi gebi ahaanba la dumiyay,” ayuu Trump ku sheegay khudbadiisa. Waxa uu intaas ku daray in dhammaan diyaaradaha Mareykanka ay si nabad ah uga baxeen hawada Iran kaddib weerarka.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu weli la shirayo hoggaanka ammaanka iyo militariga Israa’iil si ay u qiimeeyaan xaaladda gobolka kadib weerarrada.

Weerarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah oo isbeddel weyn ku keeni kara siyaasadda gobolka Bariga Dhexe, iyadoo la filayo in ay sii korodho xiisadda u dhaxeysa Iran iyo xulufada reer galbeedka.

Leave a Reply