Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Jarmalka: Kiisaska Cunsuriyadda ka dhanka ah Muslimiinta oo si weyn u kordhay 2024

Warbixin cusub oo ay soo saartay shabakadda CLIM ayaa muujisay koror aad u weyn oo ku yimid kiisaska cunsuriyadda ka dhanka ah Muslimiinta ee Jarmalka sanadkan 2024. Waxaa la diiwaangeliyay 3,080 dhacdo, marka la barbardhigo 1,926 dhacdo sanadkii hore 2023.

Dhibbanayaal badan, gaar ahaan haweenka oo laga helay ku dhawaad 70% kiisaska, ayaa la kulmay aflagaado, handadaad iyo rabshado. Caruur, waayeel iyo dad xijaaban ayaa si gaar ah bartilmaameed loogu noqday. Waxaa dhacdooyinkaasi sii bateen kadib dagaalka Israa’iil ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023.

Falalka la diiwaangeliyay waxaa ka mid ah:

  • Burburinta masaajidyo.
  • Aflagaado loo geystay gabdho xijaaban oo lagu tilmaamay “haween Yuhuudi ah oo xidhan xijaab.”
  • Madaxa doofaar oo la dhigay guri qoys Muslim ah.
  • Hanjabaado nacayb leh oo lagu yiri: “Carab wasakhaysanow, ka bax Yurub.”

Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in dad badan aysan u sheegan hay’adaha rasmiga ah cabsi darteed, gaar ahaan marka carruurtooda ay wax ku dhacaan dugsiyada.

Shabakadda CLIM waxay ku baaqday in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin adag oo lagula dagaallamayo naceybka iyo cunsuriyadda, si loo ilaaliyo ammaanka iyo sharafka Muslimiinta ku nool Jarmalka.

Leave a Reply