Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii  sheegay in haddii Mareykanka ay   si uun u soo weerarto Iran, ay ciidamada Mareykanka kaga jawaabi doonaan xoog iyo heerar aan horay loo arag.

Trump ayaa intaa ku daray in dalkiisa uusan wax lug ah ku lahayn weerarkii xalay lagu qaaday Iran.

Dhanka wada xaajoodka, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in si fudud lagu gaari karo heshiis dhexmara Iran iyo Israel, laguna dhameeyo khilaafka.

Mar sii horeysay, sarkaal Mareykan ah ayaa Aljazeera u sheegay in Mareykanka uusan weli daneyneynin in si toos ah uu ula dhaqmo militariga Israa’iil ee lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu rajaynayo in Iran ay dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodka iyo in nabad laga gaadho.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka Sabtidii inay si deg deg ah uga baxaan Iran, waxayna ku boorisay kuwa aan awoodin inay ka baxaan Iran inay isu diyaariyaan inay sii joogaan muddo dheer.

Habeen hore, Iran ayaa weerar cusub ku qaadday Israa’iil, maalin kaddib markii ay gantaallo la beegsatay goobo kala duwan, oo ay ku dhinteen afar qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen, iyo burbur baahsan oo ka dhacay Tel Aviv.

Tan iyo waaberigii Jimcihii, Israa’iil oo si xeeladaysan u taageeraysa Maraykanka, waxa ay Iran ku qaadday tobannaan diyaaradood oo dagaal, duqaymo ay ku garaacday xarumaha Nukliyeerka iyo saldhigyada gantaallada ee meelo kala duwan, waxaanay ku dishay hoggaamiyeyaasha millatariga caanka ah iyo saynisyahanno nukliyeer ahFiidkaas, Iiraan waxay billowday Hawlgalka “Operation True Promise 3” si ay uga jawaabto weerarkaas oo ay ku qaadday gantaallo ballistic ah iyo duqeymo diyaaradeed.

Leave a Reply