Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Israa’iil iyo Iran ayaa weerar isku qaadaya habeenkii oo dhan – waa kan ugu dambeeyay

Xiisada u dhaxeysa Iran iyo Israel ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo labada dal ay sii wadeen weerarada ay isku hayeen xalay oo dhan.

Haddii aad nagu soo biirayso, waa tan wixii dhacay saacadihii la soo dhaafay:

  • Iran ayaa weeraro cusub ku qaaday Israa’iil, waxayna ku garaacday bartamaha iyo waqooyiga dalkaasi 
  • Hay’adda gargaarka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in afar qof la xaqiijiyey inay ku dhinteen goobta ay duqaymaha ka dhaceen oo ku taalla badhtamaha Israa’iil
  • Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay kadib markii ay gantaallo ku dhufteen xaafad la deggan yahay oo u dhow Haifa ee waqooyiga dalka, sida laga soo xigtay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Israel.
  • Milateriga Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday Tehran, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsadeen dhismayaal xiriir la leh barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaas oo ay ku jirto wasaaradda gaashaandhigga. 
  • Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku “wax lug ah ku lahayn weerarka Iran, caawa” qoraal uu soo dhigay baraha bulshada
  • Wasaaradda Shidaalka ee Tehran ayaa sheegtay in Kaydka Shidaalka ee Shahran ee caasimadda uu ku dhacay weerarradii ugu dambeeyay, balse waxa ay intaa ku dartay in xaaladda gacanta lagu hayo.
  • Muuqaal ay xaqiijisay BBC ayaa sidoo kale muujinaya dab ka kacaya agagaarka warshadda saliidda ee Haifa ka dib markii caawa laga soo riday gantaalo laga soo riday Iran.

Leave a Reply