Somadaily Wararka Soomaaliya iyo Dunida

Somadaily waa warbaahin Soomaaliyeed oo soo gudbisa wararka Soomaaliya, Jarmalka, Yurub iyo caalamka, iyo sidoo kale wararka bulshada, siyaasadda iyo ciyaaraha.

Israa’iil ayaa bartimaameedsatay xarunta keydka shidaalka ee Tehran, taasoo sababtay qaraxyo waaweyn

Israa’iil ayaa aroornimadii hore ee Axadda weerartay xarunta kaydka shidaalka ee ugu weyn caasimadda Iran ee Tehran, halkaas oo ay ka geysatay qaraxyo waaweyn, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan wasaaradda saliidda Iran. Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa yiri “Tehran waa gubaneysaa”.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim ayaa sheegtay in difaacyada cirka laga hawl galiyay caasimadda, halka wakaaladda wararka ee Mehr ay sheegtay in difaaca cirka ay ka hortagayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ee ku sugan hawada Tehran.

Weriye ka tirsan Israel i24 News ayaa xaqiijiyay, isagoo soo xiganaya ilo, in Israa’iil ay weerartay kaalin shidaal oo u dhow Tehran.

Faah-faahinta goor dhow la soco

Leave a Reply