Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu qabtay shir wacyigelin sare ah oo looga hadlayey arrimo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin rabshadaha, burburka qoysaska, iyo weerarrada mindiyaha. Shirka oo si heer sare ah loo agaasimay waxaa soo qabanqaabisay hay’adda ANI Charity Foundation, iyada oo ujeedadiisu ahayd kor u qaadidda wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka.
Shirka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare, oo ay ka mid yihiin madax ka socotay safaaradda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka magaalada Hamburg, iyo wakiillo ka kala socday ururada bulshada Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka.
Haween u ololeeya xuquuqda bulshada iyo caafimaadka dhimirka ayaa si gaar ah u xusay saamaynta taban ee rabshaduhu ku leeyihiin dumarka iyo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa ku dhibban xadgudubyada iyo culeyska ka yimaada isticmaalka baraha bulshada. Waxaa si xoog leh loogu baaqay in la taageero dadka nugul, lagana hortago xaaladaha keeni kara dhaawaca maskaxeed iyo jir ahaaneed.
Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka, Danjire Farabadane, iyo xildhibaanad Irene Appiah oo kamid ah baarlamaanka Hamburg, ayaa si isku mid ah ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan falalka rabshadaha iyo dambiyada. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka xun ee ay falalkaasi keeni karaan, sida xadhigga, sumcad beelka, iyo suurtagalnimada in qofka laga masaafuriyo dalka.
















Leave a Reply